A B C D E F G H I J K L M N O P Q R S T U V W X Y Z Å Ä Ö

Om PRO

BULSHO IYO ISBEDDEL

Ururka PRO waa urur-bulshodeedka dalka Iswiidan ugu wayn oona ugu firfircoon. Waxaan saamayn ku yeelanaa arrimaha bulshada ee ugu muhimsan, waxaana sugna in noolasha dadyoowga hawlgabka ah ay tahay noolol laga helo oo horumar leh

Isbahaysiga ururrada hawlgabyada, PRO, waa goobta ugu wayn dalka Iswiidan ee dadyoowga hawlgabka ah ku kulmaan. Xubnaheenna oo tiradooda gaaraya 400 000 xubno waxay ku nool yihiin dalka oo idil. Waxaad isbahaysiga ka heleysaa fursad aad dad cusub ku barato, wax ku barato, socdaal ku gasho, ka faa’iidaysato dhaqamada, kana qaybgasho dhaqdhaqaaqyada wakhtiyada firaaqada ee kala duwan.

Isbahaysiga PRO waa afhayeenka siyaasadda ee hawlgabyada. Waxaan saamayn ku yeelanaa go’aan-gaareyaasha iyo laamaha siyaasadda xiriirka la leh arrimaha dadka waayeelka ugu muhimsan. Isbahaysiga PRO wuu ka madaxbannaan yahay siyaasadda iyo arrimaha diinta. waa urur hab dimuqraadi ku salaysan ay xubnihiisa u hogaamiyaan. Waxaan wadajir ugu halgana helida bulsho xubneheeda ay leeyihiin dhaqaale sugan, leh daryeel iyo xannaanayn heer sare ah iyo deegaan ammaan iyo dareen-kicin leh. Ku soo-dhowoow PRO!